Madaxwaynaha Kenya Oo Lagu Casuumay Aqalka Cad Ee Maraykanka iyo Fah Fahin Ku Saabsan

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad ee Dalkaas ku casuumay Madaxweynaha Kenya William Ruto 23ka May 2024 sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Madaxweynaha Waddankaas.

Joe Biden ayaa dhiggiisa William Ruto kala hadlaya Xoojinta iskaashiga labada Dal ee dhinaca Ammaanka, Nabadda, Ballaarinta xiriirka Dhaqaale, Difaaca, Dimuqraadiyadda iyo arrimo kale sida ay sheegtay Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Karine Jean-Pierre.

Wararka aadka loo hadal hayo ee lagu dahaarayo qodobada kale ee Aqalka Cad Maraykanka uu shaaciyay in ay kawada hadlayaan Joe Biden iyo dhiggiisa Kenya William Ruto kaddib markii Dalka Haiti uu sheegay in uu heshiis la galayo Xukuumadda Nairobi oo ciidamo nabad ilaalin ah loogu dirayo.

Ciidamada Kenya ayaa qorshuhu yahay in ay xoojiyaan amniga goobaha muhiimka ah ee Dalka Haiti si ay madaxda dalkaas uga ilaaliyaan kooxaha hubaysan ee ka awood badiyay ciidanka Dalkaas isla markaana ay u tababaraan.

Kenya waxaa ku yaalla saldhigyo Maraykanka uu degen yahay, askarta Ameerikaanka ah ayaa tababar gaar ah siiya ciidamada dalkaas halka dhowr jeer ay kawada qaybgaleen howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay Lamu.