Turkiga oo Qaadaya Tallaabo Cusub Kadib Dhex Dhexaadinti Soomaliya iyo Itoobiya

Dowladda Turkiga ayaa ku dhowaaqday inay diyaar u tahay dhex-dhexaadinta Ruushka iyo Ukraine, si loo soo afjaro colaadda daba dheeraatay, xilli maalmo kahor ay Ankara ku marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha dowladda Turkiga, Racep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine.

Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seyray Ruushka, kadib markii afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan uusan dowr dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka 28-ka bil socda.

Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeyb-galeyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo.

Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya” suurtaga ma ahan.

Ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku aaddan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada-hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya.