Somaliland Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Shaqaalaha Ka Jooga Xamar Kadib Falkii Xalay Dhacay

Hayadda Duulista Iyo Madaarada Somaliland ayaa shaacisay in ay dib u eegis deg deg ah ku samayn doonto shaqaalaha hay’adda duuliista hawada ee asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee uu shaqayn jiray Mashruucii CACAS haddana la shaqeeya ICAO.

Maareeyaha Hay,adda Duulista Somaliland Cumar-sayid Cabdillahi Aadan ayaa sheegay in dib u eegistan ay ku sameenayaan shaqaalaha kasoo jeeda Somaliland ee Muqdisho jooga, sababa la xariira geerida mid kamid ah shaqaalahaasi.

Cabdinaasir Muuse Dahable oo kamid ahaa shaqaalaha hay’adda Duuliista Rayidka Soomaaliya kana soo jeeday Somaliland ayaa xalay isaga oo meyd ah laga helay qolkii uu ka deganaa guri kuyaalla Muqdisho, waxaana la tuhmayaa sargaalkan in la dilay.

Somaliland ayaana ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Cabdinaasir Muuse Dahable, waxa ayna  caddeeyeen in ay dib u eegis ku sameenayaan shaqaalaha deegaannadooda kasoo jeeda ee hadda la shaqeeya hay’adda Duuliista Soomaaliya.

Booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay lix qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin geerida Cabdinaasir Dahable, waxa ayna booliiska shaaciyeen in xubnahan la xiray ku socdaan baaritaanno ayna ogaan doonaan xaqiiqada geerida sargaalkan.