Xogta iyo fah faahinta laga helay safar dibadeed oo uu ubaxayo Ra’iisulwasaaraha Soomaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay safar dibadeed u baxaan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kusii jeeda magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, kadib casuumaad uu ka helay madaxda sare ee dalkaasi Carbeed.

Xamza waxaa socdaalkan ku wehlin doono xubno kamid ah golihiisa wasiirada iyo qaar kamid ah howlwadeennada xafiiskiisa, ayaga oo wada-hadallo lasoo yeelan doono madaxda dowladda Ciraaq.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya iyo Ciraaq.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda labada waddan ay si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saari doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha halis badan ku haya dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya.

Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda.