Fal-celin caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabo uu qaaday Xasan kadib hadalkii Abiy

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khadka yaleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka.

Wada-hadalka madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Masar ayaa yimid saacado un kadib markii uu shalay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Soomaaliya.

Abiy oo khudbad ka jeediyay baarlamanka Itoobiya ayaa Soomaaliya ka dalbaday inay wada-hadal ogolaadaan, islamarkaana ay qudaartooda uga bedeshaan badda, si loo soo afjaro xiisadda xooggan ee ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland.

Wada-hadalka labada nin oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dadka qaarkii soo dhaweeyeen tallaabada madaxweynaha, halka kuwa kale ay “si maadsi iyo looma baahna ah” uga fal-celiyeen.

Haddaba sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdalla Daahir: “Xasan wa fahmay shaxda abiye axmed markuu soo hadlaba siisi bu Telefon ku dhuftaa ku soco madaxweyne.”

Axmed M. Gaani: “Marka Ethiopia wax dhaqaajiso ayuu Masar isku qaada Xasan.”

“Al-Sisi markuu Abiy Ahmed soo hadlo un maxaa loola hadla ninkan isagaba wabiga Niil ka hadli waayey anaga muxuu noo tari kara,” ayuu yiri Islaam Suleymaan.

Maxamed Axmed Cartan: “Xasanoow Abiy ciqaabta bas ka dheh wallaahi, waxaan arkayaya asoo Ina Cabdishakuur lamida oo qudbadihiisi wax ka soo qaatay oo leh lacagta qaranka san iyo saan yeel sidii mucaarad kamida dowladdaada. Guuleyso madaxweyne.”

“Karbaashkii maanta kugu dhacay nabad xaqdaro Alle ha kaga dhigo,” ayuu yiri Fadxi Cali Shariif.

Cabdishakuur Maxamuud: “Xasan haduu Abiye soo hadlaba Siisi muu iska wacanaa.”

Abdukadir ayaa sidoo kale isna waxa uu yiri “Itoobiya waa asalka fitnada Geeska Afrika waddan aysan la dagaalin maleh.”

“Masar haddeey wax taree Gaza Falastiin ha u gargaarto,” ayuu yiri Ibraahim Maxamed oo isna ka fal-celiyay arrintaa.

Sayid Cali: “Aad iyo aad madaxweyne halkaa ku haay cadowgaga cadowgisa waa saaxiibka.”