A/Madoobe oo qaaday jid xasaasi ah iyo arrin culus oo ka dhalaneysa go’aanka Xasan

Muddo fog ayaa la hadal hayay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) u bareeri doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu qaadi doono jid is-doorasho.

Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa lagu gaari waayay wax qorshe doorasho ah.

Madaxda maamullada qaar waxaa laga soo xigtay inay la yaabeen fur-cadi la’aanta Xasan Sheekh, taasina ay keeni karto inuu qof waliba tashado.
Madaxweyne Xasan Sheekh waa jiheyn waayey maamullada, waxaana loo badinayaa in uusan markii horeba laheyn wax siyaasad ah oo gaar ah oo maamullada ku saabsan, damiciisa ugu weyna uu ahaa inuu isagu kursi helo.

Axmed Madoobe wuxuu Talaadaddii laalay qodobkii 70-aad ee dastuurka maamulka, kaas oo xadidaayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland.

Laba jeer ayuu markii hore ahaa qodobku, haddii sidaas loo raacana Axmed Madoobe markale ma noqon karo madaxweynaha maamulka Jubbaland.