ATMIS oo ku dhawaaqday in la dhimay tirada ciidamada ee ku sugan Soomaaliya

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku dhawaaqay in la dhimay tirada ciidamada ee ku sugan Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qorshaha cusub, laga billaabo kowda Luuliyo illaa kowda Agoosto ee sanadkaan 2024.

War kooban oo ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu sheegay in ay ciidamada Soomaaliya ka howlgali doona ay tiradoodu tahay 12,626, taas oo muujinaysaa hoos u dhac ku yimid ciidamada ATMIS kuwaas oo wadarta tirada guud ay ahayd 14,626 oo Askari.

Warkaan oo lagu baahiyey barta Twitter ee hadda loo yaqaan X ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka baxeen ciidamo gaaraya illaa 2,000 oo Askari, taas oo ay sheegeen in ay qeyb ka tahay wejiga 3-aad ee dhimista ciidamada.

Hoos u dhigista ayaa la socota istaraatiijiyada howlgalka ee ah in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Soomaaliya. Dhimistan ayaa ku soo beegantay iyadoo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu doonayo in maamulka amniga loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya.