Nin Dil Aragagax leh Duleedka Muqdisho ugu Gaystay Sodohdii,Xaaskisa iyo Qof Kale

Dhacdo argagax leh ayaa laga soo warinaya degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo nin uu tooreey ku dilay soddohdiis.

Ninkan ayaa sidoo kale dhaawacay xaaskiisa iyo gabadh la dhalatay oo dumaashidii ah iyo nin oday ah oo la sheegay inuu ku baxay dadka uu leynayo, si uu uga qabto ninkaan oo illaa hadda la xaqiijin inuu madax ka jiranaa iyo inkale.

Ninka dilka geystay oo ahaa aabaha reerka, ayaa waxaa uu muran soo kala dhex galay xubnaha kale ee uu dilka iyo dhaawaca u geystay ee qoyskiisa kamidka ah.

Ninkan ayaa waxaa hadda gacanta ku haya laamaha amniga, iyada oo haweenka uu dhaawacay xaaladooda lagu dabiibayo gudaha degmada, halka qaar kalena loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Taliyaha ururka 1-aad ee Daraawiishta Koonfur Galbeed Xaashi Maxamuud Bulaale oo hoggaaminayay ciidankii ku baxay falkaan ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku hayaan ninka dhibta geystay.

“Qof noocaas ah oo dhacdadaas sameeyay waa caafimaad qabay ani ahaantay isma lihi laakiin hadda waxaa ku socota baaris,” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlay Shabelle Tv.

Waxa uu intaas kusii daray “Gargaar caafimaad ayaa loo fidiyay dhaawaca, inta badana Xamar ayaa loo soo qaaday.”

Taliyaha ayaa falkaan ku tilmaamay dhacdo ugub ah, “Waxaan isleeyahay xaaladan waa xaalad caafimaad darro ku imaan karta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaggoo ka argagaxay baaxada dhibta uu geystay ninkaan.

Dhacdooyinka argagax leh ayaa kusoo badanaya gudaha dalka, iyada oo bil ka hor Shabeellaha Hoose uu wiil dhalinyar ah ku dilay aabihii, halka uu sidoo kale dhaawacay hooyadii iyo walaashiis, si dhab ahna looma oga illaa hadda waxyaabaha keenaya falalkan noocan ah ee kusii kordhaya gudaha bulshada Soomaaliyeed.