Somaliland Oo Dawladda Soomaliya Ku Eedaysay Dilka Cabdinaasir

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ka dambaysay dhimashada Aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable.

Somaliland waxa ay sheegtay in marxuumku dhawaan qoray Qoraal dheer oo cilmiyaysan kaas oo sheegaya in Somaliland Hawadeeda maamulankarto iyo qaabka ay u maamulikarto.

Cabdinaasir Muuse Dahable oo kamid ahaa shaqaalaha hay’adda Duuliista Rayidka Soomaaliya kana soo jeeday Somaliland ayaa xalay isaga oo meyd ah laga helay qolkii uu ka deganaa guri kuyaalla Muqdisho, waxaana la tuhmayaa sargaalkan in la dilay.