Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dibad Baxyo Balaadhan Oo Ka Socda Dalka Kenya

Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo.

Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah.

Dowladda ayaa ciidamo badan gaysay xaruumaha dowladda si ay uga hortagaan in rabshado ay dhacaan.