Xogta Khilaaf culus oo ka taagan Jubbaland iyo Axmed Madoobe oo go’aan gaaray

Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markale gashay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay khilaaf cusub oo soo kala dhex-galay guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Khilaafka ayaa si gaar ah uga dhex-qarxay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Aadan Khaliif iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo in la furo dastuurka maamulkaasi, kadibna wax laga beddalo, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Aadan Khaliif ayaa ka horyimid damaca Axmed Madoobe ee ku aadan furista dastuurka, waxaana uu horay uu soo saaray qoraal uu ku sheegay in dastuurka Jubbaland uu dhigayo in hoggaamiyaha maamulka uusan tartami karin muddo ka badan inta uu ogol dastuurka, Axmed Madoobe-na uu dhameystay muddadii uu ogolaan sharciga.

Wararka ayaa sheegaya in haatan kulan loogu yeeray xubnaha golaha wakiilada Jubbaland, kaas oo maanta dhacaya, waxaana lagu wargeliyay xalay oo loo diray fariimo gaar ah.

Kulankan ayaa qorshuhu yahay in xilka looga qaado guddoomiye ku xigeenka koowaad Aadan Khaliif oo ay is qabteen Axmed Madoobe, waxaana lagu wadaa inay codka kalsoonida kala noqdaan xildhibaanada, waxaana qorshahaas gadaal ka riixaya kooxda madaxweyne Axmed Madoobe.

Abuul xoogan ayaa haatan ka socda magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay magaalada laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada Jubbaland, kuwaas oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ka taagan halkaasi.

Axmed Madoobe oo ah nin mayal adag ayaa inta badan meesha ka saara mas’uuliyiinta ay is qabtaan wuxuuna horay magaaada Muqdisho ugu soo masaafuriyay rag ay isku dhaceen.

Ninkan ayaa Jubbaland majaraha u hayo tan iyo markii la aas aasay 2013-kii, wuxuuna weli doonayaa inuu kusii fadhiyo kursiga, laakiin waxaa diidan xubnaha mucaaradka ah.