Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo War Culus Ka Soo Saaray Heshiiska Badda Kuna Adkaystay Hal Qodob

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda, kaas oo dhaliyay xiisad xoogan oo u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka uu soo saaray Abiy oo lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu horreyn lagu beeniyay inay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay horraantii sanadkan la gashay Somaliland, kaas oo ay si wayn u diiday dowladda dhexe.

Xafiiska Abiy Axmed ayaa iska fogeeyay waraaqo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgarad ee ay dhowaan la gashay Somaliland.

Sidoo kale waxaa jawaabta kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha looga digay shacabka inay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee wareegaya baraha bulshada.

“Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka dowlada Itoobiya.

Waxaa kale oo uu qoraalku intaasi sii raaciyay in wixii xog ah ee ku aada arrimaha guddaha, gobolka iyo caalamkaba lagu baahiyo kaliya boga rasmiga ah ee xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isla markaana aanu shaqo kulahayn wararka lagu baahiyo baraha kale

“Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada” ayuu mar kale lagu yiri.

Hadalkan waxaa ka horreeyay khudbad uu isna shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka jeediyay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku heegay in labada dhinac ay ka go’an tahay in heshiiska uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa.

“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha Somaliland.

Soomaaliya ayaa dhankeeda weli diidan heshiiska Abiy Axmed uu la galay Muuse Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo si weyn looga dareemay gobolka.