Galmudug iyo Puntland oo Heshiis Hordhac ah Ka Gaaray Dagaaladii Qaraaraa ee Beelaha Sacad iyo laylkase

Dagaalo Qaraar oo Mudo Asbuu Ku dhow kusoo laalaabtay Gobalka Mudug kaas oo Sababay Dhinasho ku Dhow 30 Qof iyo inkabadan 50 Dhaawac ah oo Labada Dhinac ah ayaa Waxaa Shalay Goobihii Lagu Dagaalamay Gaaray Wasiiro ka Socda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wasiiradaan ayaa Heshiis Hordhac ah oo Ka Koobnaa Afar Qodob ka Gaaray Dagaaladii cuslaa ee Halkaas Ka dhacay Waxayna Ku Heshiiyeen Qodobadaan:

1: Xabad Joojin Deg Deg ah oo Ka Hirgasha Labada Dhinac ee Dagaalamay.

2:In lakala Qaado Labada Ciidan oo laga Fogeeyo Goobihii lagu Dagaalamay.

3:in Lakeeno Ciidamo Isku Dhaf ah oo Ka Socda labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.

4:iyo in laisugu Yimaado Shirwayne Dib U hiisineed oo Ka dhacaaya Magaalada Gaalkacyo kaas oo looga Hadlaayo Wixii dhacay iyo Waxa Laisku Haayo.

Dhawaan ayay Ahayd Markii Sidaan oo Kale Beelaha Laylkase iyo Sacad isugu yimaadeen Shir Wayne Ka Dhacay Gaalkcyo kaas oo kusoo Dhamaaday Natiijo la,aan kadib Markii Laylkase Ku adkaysteen in Beesha Sacad ka guuraan Saaxo Qurun.