Cadho Ka Dhalatay Kadib Markii Ra’iisulwasaare Ku Xigeenka Soomaliya Hoggaamiyaha SSC uu ugu Yeedhay Guddoomiye

Ra’iisul wasaare kux-igeenka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland ayaa xalay khudbad xasaasi ah oo hadal-heyn badan dhalisay ka jeediyay munaasabadda 26 June ee ka dhacday Muqdisho.

Saalax oo ku hadal qabsaday Cabdulqaadir Firdhiye Hoggaamiyaha SSC oo goobta fadhiyay ayaa ugu yeeray “GUDDOOMIYE” isaga oo ka hadlay taariikhda Somaliland iyo maalinta qaran ee 26 Juun.

“1960 markii gobonimada la qaadanayay dareenkii jiray ma ahayn kan maanta jiray ee dadka lagu cabirayo, sida uu sheegay guddoomiye Firdhiye, gabaygana ay ka muuqatay AUN abwaan Kadiye xilli dadku quluubtoodu iyo rabitaankooda uu mid ahaa” ayuu ku yiri qayb kamid ah khudbaddiisa ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayayu midnimada ayuu sheegay in loo baahan dhab ka hadal, si loo soo celiyo Somaliland.

“Dhab ka hadla siyaaadeed ayaan u baahanay si loo baadi goobo dadkaasi waa dadkii taariikhda midnimada ku suntanaa oo iyagu keenay halkan door wayn ayaan ka qaadan doonaa in midnimada la baadi goobo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Dhinaca kale hadalka kasoo yeeray mas’uulkan Soomaaliyeed ayaa dhaliyay caro xoogan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.

Qaar kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Firdhiye oo meesha joogay, isla-markaana metal SSC loogu yeero ereyga guddoomiye, halka qaarkood ay tilmaameen inuu Saalax ka hadlay arrimo xasaasi ah oo jiro

Maxamed Maxamuud “Waxaan qac waa dhaftay guddoomiye Fidhiye kulaaha isagoo hortiisa fidhiyo”.

Abdirashiid Cawil “Reerkaada ku-matasho ee kuma matashid SSC-Khaatumo ee waxaa metala wixii Somalinimada ogol oo u horeeeyo Xasan iyo Xamza”.

Amiin Cabdiraxmaan ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Gudoomiye kulaha Aar wuxu garacsana”.

Cabdiqani Cali Nuur “Waxan marqaati ka ahay nin siyaasi ah inuu yahay oo dadkiisi soo celin karo”.

Najmo Cabdiraxmaan ayaa iyaduna tiri “Gudoomiye Firdhiye miyuu yiri war ninku geesisanaa?