Wararka Ka Soo Baxaya Baaritanada Laga Sameeyay Wiilka Dhalinyarada Ah Ee Lagu Dilay Guriceel

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana dilkaasi loo gaystay Wiil dhalinyaro ah sida warar nasoo gaaraya ay sheegayaan.

Xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo warramayaa in Magaalada Guriceel lagu dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Libaan Aadan Ibraahim, waxaana dilkaasi xaqiijiyay Taliska Booliska magaaaladaaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay haatan ku raadjoogaan Eedaysanihii ka dambeeyay dilka lagula kacay marxuum Libaan Aadan Ibraahim.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Marxuumka, waxaana hay’adaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka waxa sababay falkaasi iyo soo qabaashada eedaysanaha la sheegay inuu ka dambeeayay dilka loo gaystay Libaan Aadan Ibraahim oo ahaa Wiil dhalinyaro ahaa.