Soomaliya iyo Itoobiya oo Kuwada Hadlaya Ankara Iyo Xog Ka Soo Korodhay Bad loo Diyaarinayo Itoobiya

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay wada-hadallo uga furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaa sidaas Caasimada Online u xaqiijiyey ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ujeedka wada-hadallada ayaa ah in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed.

Wada-hadalladan ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale gadaal ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay.

Waxaa dhinaca Soomaaliya u matali doona wafdi ay horkacayaan wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, halka Itoobiya ay wakiil uga yihiin xubno uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassie.

Taye Atske Selassie ayaa shalay gaaray Ankara. Dhanka kalena Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo halkaas.

Sida an xog ku helnay, Fiqi ayaa la filayaa in uu shir jaraa’id qabto ka hor inta uusan ka dhoofin Muqdisho, isaga oo sharxi doona qaabka ay wada-hadallada u dhici doonaan iyo mowqifka dowladda federaalka.

Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Soomaaliya marna ma ogolaan doonto saldhig ciidan badeed.

Waxaan caddeyn habka loo maamuli doono dekaddaas. Itoobiya ayaa sida la sheegay dooneyso in ay dekaddaas ayada maamusho, balse weli ma cadda haddii ay Soomaaliya ogolaan doonto iyo in kale.

Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood.