Itoobiya oo Si Jees Jees Ah Uga Hadashay Ciidamadii Ka Soo Talaabay Xuduudka Soomaliya Iyo Hal Arin oo Ay Qirtay

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay eedeyn uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan in ciidankooda ay si sharcidarro ah uga soo gudbeen xadka labada dal wadaagaan, ayna soo galeen qeybo hor leh oo kamid ah dalka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle ayaa madal looga hadlayay xaalada Soomaaliya ka sheegay in Itoobiya askartooda si sharciga baalmarsan kusoo galeen gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Itoobiya Nebyu Tedla, ayaa beeniyay eedeynta uga timid Soomaaliya ee ku aadan in ciidankooda sifo sharcidarro ah uga gudbeen xadka .

Waxa uu sheegay afhayeenka in eedeynta loo jeediyay ay tahay waxba kama jiraan, waxa uuna xusay in Soomaaliya u joogaan ciidamo katirsan ATMIS iyo ciidamo kale aan ka tirsaneyn, waxa uuna ciidanka galay Soomaaliya xusay in aysan ka duwaneyn kuwii hore.

“Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Soomaaliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadalnay saraakiisha sarsare ee ciidankeenna ee aaggaasi ku sugan. Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor tagayay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii horaba u dhacday.”ayuu yiri Nebyu Tedla.

Waxa uu intaa ku daray ”Sida aad ka warqabto dawaldda Soomaaliya ka sakow Villa Soomaaliya ma aha mid maamusha dalka oo dhan. Ciidankeennu waa mid mar walba isbed-beddel lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa aan ka tirsamayn hawlgalka ATMIS. Waa middaas uun, laakiin ma jiro hawlgalka soohdinta ka tallaabsan oo aan fulinnay,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.