Puntland Iyo Itoobiya oo kala Saxeexday Heshiis Is Fahan oo ka dhacay Caasimada Addis-Ababa

Puntland iyo Ethiopia ayaa gaadhay maanta heshiis dhinacyo badan taabanaya.

Wefdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda ayaa Addis-Ababa kula kulmay mas’uulliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia iyagoo isla gaadhay heshiis dhawr qodob ka kooban oo ay ka mid yihiin Iskaashiga Kaabaasha Dhaqaale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa sheegtay in Puntland iyo Ethiopia ay leeyihiin xidhiidh qoto dheer oo iskaashi ku dhisan.

Heshiiska Ethiopia iyo Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli xidhiidhka dawladda federaalka Soomaaliya iyo Ethiopia sii xumaanayo

itoobiya oo arinkan ka hadashay ayaana tidhi sidan

 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Mesganu Arga, ayaa maanta xafiiskiisa si diiran ugu qaabilay wafdi heer sare ah oo heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohammed Farah Mohammed.
Wadahadalkooda, labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

 

itoobiya oo hadalka sii wada ayaa tidhi Wadahadalkooda, labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Puntland ayaa ku nuux-nuux saday xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada. Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka labada dal ee Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale fariin hambalyo ah u diray dowladda Puntland sida wanaagsan ee ay u qabsoontay doorashadii dhawaan dhacday

 

May be an image of 4 people and dais

May be an image of 13 people and table

 

May be an image of 1 person, newsroom, dais and text

May be an image of 6 people, dais and newsroom