Dal Afrikan Ah Oo Ku Hanjabay in Uu Kumanaan Maroodi Ah Udirayo Jermalka

Madaxweynaha Botswana ayaa ku hanjabay inuu u diri doono 20,000 oo maroodi ah dalka Jarmalka xili uu muran ka taagan yahay ilaalinta keymaha wadanka.

Horraantii sanadkan, wasaaradda deegaanka ee Jarmalka ayaa soo jeedisay in la adkeeyo xaddidaadda saaran koobabka lagu soo guuleysto ee ugaarsigaxayawaanka.

Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi ayaa u sheegay warbaahinta Jarmalka in tani ay kaliya dhib ku tahay dadka dalkiisa.

Wuxuu sheegay in tirooyinka maroodigu ay aad u tirabateen natiijadaas oo ka dhalatay dadaallada ilaalinta keymaha ee Botswana, ugaarsigana uu hadda ka caawiyay in la xakameeyo si aysan faraha uga bixin.

Botswana waxay hoy u tahay saddex meelood meel kamidah maroodiga adduunka – in ka badan 130,000 – ayay dhaaftay inta ay boos u hayso.

Maroodigaayaa sgaystay khasaare hantiyeed, waxay cuneen dalagyo dad u baxayay, waxayna cagta mariyeen guryahooda deegaanka, ayuu yidhi Madaxweyne Masisi.

Botswana ayaa hore 8,000 oo maroodi ah u siisay dalka ay jaarka yihiin ee Angola, waxayna boqolaal kale ugu yaboohday Mozambique, si ay hoos ugu dhigto tirada Maroodiga.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan hadiyad noocan oo kale ah siino Jarmalka,” ayuu yiri Masisi, isagoo intaas ku daray inuusan jawaab u qaadan doonin diidmo.