Dal Carbeed oo Cadeeyay In Xalay La Weeraray Iran Iyo Digniin Ay Soo Saartay

Cumaan oo xaqiijinaysa inay Israalll weerartay Iran , ayaa weerarkaa cambaaraysay , xilli saraakiisha Iran ay ku adkaysanayaan inuusan jirin wax weerar ah oo Iran looga soo qaaday dibadda, sida uu ku warramay telefishinka Press tv oo afka Tehran ku hadla.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda Cumaan, wuxuu ku baaqay in wax laga qabto weerarrada soo noq noqonaya ee gobolka ay ka gaysanayso Israalll.

Shiinaha , ayaa dhankiisa warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda , wuxuu ku baaqay in la dhowro xasilloonida bariga dhexe , lagana fogaado colaad halis galin karta nabadgalyadda gobolka.

Israa’lll sida horey looga arkay ma sheegi doonto inay mas’uul ka tahay weerarka xalay ka dhacay dhowr bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran, Ciraaq iyo Suuriya oo dhammaan lagu beegsaday saldhigyada ciidanka cirka iyo Ilaalada Kacaanka Iran.

Si dhaqso ah looma sheegi karo haddii ay Iran soo bixi doonto oo ay sheegi doonto inay fulinayso aargoosi , balse sida muuqata howlgalka daboolan ee Israalll, wuxuu fursad u siinaya Iran inay xiisadda halkaa ku soo xirto, si ay uga fogaato tallaabooyin kale oo dheeri ah oo ay la kulanto.