Maydka Taliyaha Ciidamada Dufaaca Kenya Oo Hada La Qaaday

Meydadka Taliyihii Ciidamada Difaaca Kenya ee galabta ku dhintay shilka diyaaradeed Jeneral Francis Ogolla iyo sagaal xubnood oo kale oo militari ah ayaa loo duuliyay saldhigga Embakasi ee magaalada Nairobi;

waxay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay Elgeyo Marakwet.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu geeriyooday Taliyihii ciidamada Difaaca Kenya Jen. Francis Ogolla oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.