Israalll oo Weerar Xalay Ku Qaaday Iran Iyo Iran Oo Dhankeeda War Ka Soo Saartay Weerarka

Sarkaal Israalll u dhashay  magaciisa qariyay ayaa u sheegay wargeyska Washington Post in militariga Israalll ay weerar xagga cirka ah ka fuliyeen xalay gudaha Iran, iyadoo weerarkan uu aargoosi u ahaa weerarkii baaxadda lahaa ee Iran Sabtidii la soo dhaafay ku qaaday Isralll.

Khasaaraha ka dhashay duqeynta ayaan hadda la ogeyn balse sarkaalka ayaa sheegay in ujeedku yahay digniin ka dhan ah Iran, taasoo muujineysa in Israalll ay awood u leedahay inay fuliso weerarro ka dhan ah bartilmaameedyada gudaha Iran.

Iran, waxay hoos u dhigtay in wax weerar khasaare gaystay uu ka dhacay gudaha dalkeeda, ayna ka hortageen nidaamka difaaca diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo isku dayay inay gaaraan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran oo xigatay saraakiisha militariga Iran.