Wuxuu guursaday Shan Xaas Hadii u geeriyoon lahaa Xaas la,aana Dhaqanka Wadankiisa Qofka Geeriyooda waxaa loo Guuriya xaas

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Koonfurta Suudaan ayaa qaba shan xaas Xaqiiqooyinka qaarkood  waa qaar aad u yaab badan  wadankan :
Marka laga reebo dhaqanka diinka, ninka maamula xaasas badan wuxuu  noqon karaa hogaamiye. marka loo eego dhaqan kooda

wadankan  Koonfurta Suudaan waxay 45 sano dagaal kula jireen  Xukumada Sudan   Dagaalkaasna  waxaa ku dhintay 10 milyan oo qof

Dhaqanka Koonfurta Suudaan, haddii aad geeriyooto adoon guursan  walaalkaa kaa yar ama qoyskaaga dhow ayaa Xaas ku guurinaya  ujeedkuna waa in caruur lagu dhalo   magacaaga  wata adoo geeriyooday waa hore kuwaas oo ah agoon dhashay aabahood ka dib  marka qof kasta oo dhinta isagoon caruur dhalin waxaa loo dhalaa caruur ka dib geeridiisa waxana masuuliyadas saaran tahay ehelkiisa

 

 

Waxaa lagu tilmaamaa waddanka ugu da’da yar Afrika, sababtoo ah dalka Koonfurta Suudaan waxaa la aasaasay 10 sano ka hor. 9-kii July, sannadkii 2011-kii, gobolkii Koonfurta-Suudaan ayaa xorriyadda qaatay oo ka go’ay Sudaan.

Tobannaan sano ayay ku qaadatay in ay halkaa gaaraan dadka dalkaas, iyadoo ay hareeyeen dagaallo sokeeye, dhimasho iyo burbur.

Markii koofurta ay u codeeyeen in ay ka go’aan waqooyiga, waxay rajo aad u badan ka qabeen, in dal cusub oo hodan ah ay noqdaan, isla markana ay helaan awood lagu gaaro horumar aan la soo koobi karin.

Xilligii uu socday halgankii gobannimo-doonka ee Koonfurta Suudaan, carruurta waxay ka mid ahaayeen dadkii ay sida aadka ah ay u saameeyeen dagaallo 23 sano qaatay.

Kumanaan kun oo wiilal ah, oo ay da’dooda ka yar tahay toddobo sano, ayaa ka mid noqday ciidanka safka hore kaga jiray dagaalka. Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalka, boqolaal kalena waxay u dhinteen gaajo, abaar iyo cudurro.

In kabadan 20,000 oo caruur oo South Sudaan ah ayaa masaafo dheer ku dhex lugeynayey Itoobiya ilaa Kenya, si ay uga badbaadaan waxyeelada dagaalka. Qaar badan oo ka mid ah carruurtaasi waxay waalidiintooda ku waayeen dagaallada.

wadankan ayaan  leh dhaqamo aad u yaab badan oo guud ahaan intooda badan ka duwan yihiin kuwa qaarada africa  waxana aynu samayn doona qormooyin dhawr ah