Waxa Laga Filayo Madaxwaynaha Soomaliya ee ku sugan Boqortooyada Sucuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Riyaad ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxda dalkaas oo uu ugu derajo sarreeyo Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala-Sacuud.

Labadaan mas’uul ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga labada Dal, Amniga, Ganacsiga iyo Iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan sida lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay Barta Madaxtooyada Soomaaliya.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa martiqaaday wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si ay ugu horrayn ugu kala xog-qaataan halka uu marayo xiriirka kaddibna uga wadahadlaan qorshaha cusub.

Sacuudiga waxa uu kamid yahay Dalalka Carbeed ee cilaaqaadka iskaashiga iyo Ganacsiga kala dhaxeeya Soomaaliya, Madaxda Boqortooyada ayaa dhowr jeer marti-qaaday mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka.

Xukuumadda Riyaad ayaa sidoo kale safka hore kasoo gashay Dalalka Gargaarka bani aadamnimo keenay Soomaaliya waqti xaalado adag uu Dalka wajahayay sida Abaar, Fatahaad iyo dhaqaalaha oo hoos u dhacay.