Cudur Dadka Markaaba Indhaha Casaynaya Oo Faro Baas Dadka Ku Haya Iyo Si fudud Oo Loo Kala Qaadayo

Asbuucyadii u dambeeyay waxaa si weyn looga hadal hayay Kenya cudur la kala qaadayo oo la fahmi waayay waxa uu yahay. Dadka qaar ayaa walaac ka qabay inuu noqon karo safmareen keeni kara dhibaato caafimaad iyo mid nololeed.

Cudurkan oo leh calaamada Indho-casaadka ayaa ku faafay qaar kamid ah magaalooyinka Kenya. Gobolka xeebta ayaa ah meeshii ugu horeysay ee laga arkay faafitaanka cudurkaasi.

Xogta caafimaadka ee ismaamulka Mombasa ayaa muujinaysa in 1000 qof ay kor u dhaafeen dadka uu cudurku ku dhacay.

Muxuu Yahay Cudurkan?
Cudurkan waa caabuq ka yimaada Jeermisyo kala duwan, Kiimikooyin, Xasaasiyad, xaalado caafimaad oo gaar ah iyo Fangas.

Dr Abdisamad Dhimbil oo ah Dhakhtar Guud oo ka howlgala cisbitaalka Zazi ayaa BBC da u sheegay in astaamo lagu garan karo ay in xanuunkaan ku soo hayo.

“Caabuqa sababaya cudurka waxaa uu beegsadaa qaybta cad ee Indhaha, taasi oo keenaysa indhuhu inay guduutaan, ka dib uu yimaado cuncun iyo in la dareemo gubasho iyo Illin badan iyo mararka qaar oo Malax lagu arko qaar kamid ah bukaanada iyo indhaha oo bararaya.

Dr Abdisamad ayaa sheegay cudurkan horay loo arki jiray, laakiin hadda dadka uu ku dhacay tiradooda oo badan ay sababtay in lagu baraarugo.

Sidee lagu kala qaadaa?

Cudurkan ayaa lagu kala qaadaa taabashada ama salaanta qofka buka ee indhihiisu qaadeen jeermiska iyo dheecaanada neefsashada.

Gacmaha qofka xanuunsan markii ay taabtaan ilmada indhihiisa ama dheecaanada kale ayay sahlan tahay qofka uu gacan qaadayo in ay u gudubto.

Dr Abdismad ayaa sidoo kale tilmaamay biyaha wasakhda ah iyo saxarada oo aadan iska nadiifin in ay soo raacaan jeermisyada, marka ay taabtaan gacmahaadana ay u gudbi karaan Indhaha.

Maamulka Mombasa ayaa u soo jeediyay waalidiinta caruurtooda ku arka calaamadaha cudurkan inay guryaha ku hayaan, si looga hortago faafitaankiisa.

Caruurta Iskuulayda ayaa u badan dadka uu ku dhacay cudurkan.

Soomaalida oo kamid ah Dadka uu ku dhacay Cudurkan.

Cabdi Maxamed waxaa uu kamid ah dadka muddo asbuuc ah la dhibanaa xanuunkan, ayaa BBC da u sheegay in uu u maaynayo in xanuunka uu ka qaaday qof ka yimid magaalada Mombasa, balse uu la yaaban yahay sida uu uga qaaday maadama jir ahaan aysan istaaban.

“saan uga qaaday xataa ma taaban qofka, gacanteenu isma gaarin.

Meel aan wax is kala cunnay. Dabcan si aanan ogayn waa dhici kartaa in aan u taabtay Marka saas uu iigu dhacay cudurka,” ayuu BBC da u sheegay.

Cabdi ayaa intaa ku daray in carruurtiisa ay kasii qaadeen xanuunka oo uu isagu lahaa sababta.

“Anigu ma ogayn, si kadis ah labo cunnug oo yaryar ah oo guriga ii joogtay waa ku dhacay, anigaa sababta iska lahaa, Ookiyaalihii aan isticmaalayay baan meel saaray, Ookiyaalihii ay gishteen ilmihii”
Cabdi waxaa uu kaloo isku arkay markii uu ka bogsaday xanuunka, Cabur iyo Qandho.

Kenya waa Waddanka ugu kiisaska badan ee lagu arkay cudurkan, iyada oo kiisas dhowr ah oo kale lagu arkay qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika, sida Rwanda iyo Tanzania.

Kiisaska laga diiwaan galiyay Tanzania ayaa gaaraya ilaa 869 kiis todobaadkii hore.

Ma jirto kiisas la xiriira cudurkan oo lagu arkay Soomaaliya inta aan ka warhayno.

Islii oo kamid ah xaafadaha Nairobi ee ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa lagu arkay bukaano leh calaamadaha cudurkan, inkasta oo aan si weyn loogu baraarugsanayn.

Daafka iyo Cudurkan Maxay ku kala duwan yihiin
Dr Cabdisamad Dhimbil waxa uu sheegay Daafka in uu keeno karo cudurka xasaasiyada oo la iska ilaalin karo, laakiin indho-casaadkan uu ka faafid badan yahay