Dawlada Federaalka Somaliya oo Khatar Galisay Bukaan Husbitaalada  Hargaysa Yaalay

Ganacsadaha weyn ee aasaasay shirkadda World Remit Ismaaciil Axmed, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya diiday in ay Hargeysa timaado diyaarad nooca gurmadka Caafimaad ah oo Hargeysa ka qaadi lahayd walaalkii oo madaxa dhiig kaga furmay.

Ganacsadaha ayaa sidan hoose Qoray

Saaka waxa ay dawladda Soomaaliya fasaxii hawada u diidday Air Ambulance lagu qaadi lahaa walaalkay oo dhiig madaxa kaga furmay oo u baahday in Addis Ababa qalliin loogu sameeyo.

Diyaaraddan yar ee ambalaaska ah oo hore u iman jirtay Hargeysa, ayaa si badheedh ah  hay’addu u hor istaagtay in ay timaaddo Hargeysa iyaga oo og in xaalad caafimaad oo degdeg ah loogu baahday.  Imika waxa aanu tacab kale u galnay in Jigjiga diyaaraddu ka soo degto oo ay halkaa ka qaaddo.

Waxa la ii sheegay in kiisaskan oo kale dhacaan oo aan lagu baraarugsanayn. Sidaasi darteed, waxa loo baahan yahay in budhcaddan hawadeenna sida qaldan u maamulaysa wax laga qabto inta aanay bulshada dhaawac intan ka badan gaadhsiin.