Soomaliya Oo Hargaysa Ka Celisay Diyaarad Qaadi Lahayd Bukaan Naf Ka Eeg Ah Iyo Xaalad Halis Ah Oo Taagan

Wararka ka imaanaya magaaladda Hargaysa ayaa sheegaya in magaaladdasi Soomaliya ka celisay diyaarad nooca Loogi talo galay gurmadka deg dega ah oo Hargaysa ka qaadaysay bukaan.

Diyaaradan oo ahayd Mid loogu talo galay Gurmadka deg dega ah ayaa waxa la sheegay in ay Adisababa ka soo kacday iyada gegeda diyaaradaha Hargaysa ka qaadaysay muwaadin ku xanuunsana Hargaysa oo ku jiray xaalad deg deg ah.

Bukaanka diyaarada lagu qaadayay ayaa waxa la sheegay in uu qaliin ku marayay isbitaal ku yaala Adisababa kadib markii la sheegay in madaxa uu dhiig kaga furtay.

Dhacdo cusub.

Ganacsadaha  shirkadda World Remit Ismaaciil Axmed, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya diiday in ay Hargeysa timaado diyaarad nooca gurmadka Caafimaad ah oo Hargeysa ka qaadi lahayd walaalkii oo madaxa dhiig kaga furmay.

”Saaka waxa ay dawladda Soomaaliya fasaxii hawada u diidday Air Ambulance lagu qaadi lahaa walaalkay oo dhiig madaxa kaga furmay oo u baahday in Addis Ababa qalliin loogu sameeyo”

dhanka kale waxa uu sheegay in Soomaliya ay si badheedh ah u joojisay duulimadka diyaaradaasi.

“Diyaaraddan yar ee ambalaaska ah oo hore u iman jirtay Hargeysa, ayaa si badheedh ah hay’addu u hor istaagtay in ay timaaddo Hargeysa iyaga oo og in xaalad caafimaad oo degdeg ah loogu baahday. Imika waxa aanu tacab kale u galnay in Jigjiga diyaaraddu ka soo degto oo ay halkaa ka qaaddo”

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xili khilaaf ka dhex jiro Dawladda Soomaliya iyo Itoobiya kaasi oo ku aadana heshiiskii isfahan ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

Tallaabadan ayaa halis ku ah bad baadada bukaanaada ubaahda in loola cararo dalalka shisheeye si xaaladooda loola tacaalo