Daqiiqado Naxdinleh:Naag Masayrsan Oo Intay Khamri Ku Shubtay Ninkeeda Hadana Dab Qabad Siisay Iyo Waxa Ku Dhacay Marku Bislaaday

Muuqaal murugo leh ayaa soo shaax baxay kaasi oo ku saabsana naag “masayrsan” oo ninkeeda khamriga ku shubtay kadibna si naxariis darro ah dab u qabadsiisay.

Ana Maria Paixao ayaa qirtay falka naxdinta leh, iyada oo la sheegay, in taasi keentay in Andre Luiz de Amorim Chapeta uu geeriyoodo heerka koowaad ee dabka afar maalmood ka dib weerarkii argagaxa lahaa.

Kaamirada CCTV ayaa qabatay Ana Maria oo ku sii socota ninkeeda oo 50 jir ah, iyadoo ku shubaysa dareere guban kara oo lagu tilmaamay inuu yahay aalkolo ka hor inta aysan dab qabadsiin iyadoo adeegsanaysa qarxisada  sigaarka laga shito.

Kadib waxaa la arkay isaga oo cararaya dhabarka dambe ee dhismaha ganacsi ee ku yaala magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, una socda dhanka suuliga si uu iskugu dayo in uu dabka ku damiyo biyo.

Booliska ayaa xaqiijiyay in haweeneyda cadhada ay u geysatay “maseer” balse waxaa la sii daayay saacado ka dib markii la xiray, sababtoo ah maxkamad ayaan weli go’aan ka gaarin codsiga booliska ee ah in xabsiga lagu sii hayo. Ilaa hadda ma cadda in ay hadda ka danbeyso.

Weerarkan ayaa subaxnimadii hore ee oo Isniin ah ka dhacay goob uu ku sugnaa ganacsadaha kalluunka oo ku yaalla xaafadda Jardim America ee magaalada Rio de Janeiro, oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Brazil.

Andre Luiz waxa uu isbitaalka ku jiray afar maalmood balse waa uu dhintay. Taliyaha booliiska Flavio Ferreira ayaa yiri: “Waxa ay tiri ma ahan waxa sawirka muujinaya.