Imaaraadka oo Qaaday Talaabo u eeg Inuu Somaliland Aqoonsanayso

Dawladda Emirateka carabta ayaa si rasmi ah ugu dartay Somaliland Somaliland” dalalka dalban kara Visa ama dal ku galka Electronics ah ee loo yaqaano (E visa) waxaa sidoo kale dalka Emirate ku ku daray dalalka si toos ah usoo dalban kara degenaanshaha dalka Emirateka Carabta.

Tani waxay ka dhigantahay in dalka Emirateka Carabtu uu si rasmi ah u aqoonsaday baasaboorka Somaliland, arrintani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Itoobiya iyo Somaliya dagaal Dublamaassi la dhex dilaacay ka dib markii itoobiya sheegtay inay Somaliland Aqoonsanayso

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid kala hadlay hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal-ku-galka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Imaaraadka u xushay safarkiisii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dibadda. Xiriirka labada ayaa xumaaday dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii 2018, dowladda Soomaaliya ayaa $9.8 milyan oo ka timid Imaaraadka kula wareegtay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Imaaraadka Carabta waa dalka koowaad ee Soomaaliya badeeco u soo dhoofiya, iyadana ay u dhoofiso Arrintan ayaana Hubaal ah in Dawlada Federaalka Somaliya ka qaylin doonto lama se oga in Xiriirka somaliya u Jari doonto Imaaradka