Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan Xasaasi ah

Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in Xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan kulan Xasaasi ah oo looga hadli doono arrimo Masiiri ah.

Xildhibaanada ayaa loo sheegay inay soo xaadiraan, maaddaama uu jiro kulan xasaasi ah oo intiisa badan diiradda lagu sari doono ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Qoraal kooban oo loo diray Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay ajandaha kulanka oo looga doodayo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Lama-bixin faah faahin intaas ka dheeraad ah oo ku aaddan AJendaha manta, waxaase la aaminsan yahay in Kulankan uu jawaab u yahay shirka siyaasadeed ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni kaasi lagu martiqaaday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxa Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaridka Villa Somalia.

Waxaana arrintaani ay kusoo aadaysaa iyadoo Baarlamaanka labada Aqal uu horyaallo wax ka bedelka dhamaystirka dastuurka oo la qorsheynayo in la soo geba gabeeyo bisha March islamarkaana khilaaf xooggan ka taagan yahay sida loo wajahayo.