Talaabo Itoobiya Ay Qaaday Oo Khatar Galinaysa Amniga Magaaladda Caasimada Ah Ee Muqdisho Iyo Gobolka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tan iyo markii uu billowday doorashadiisa labaad ee 2022-ka, waxa uu dajiyay qorshe ku aaddan mustaqbal xasiloon oo ay yeelato Soomaaliya, isagoo horumariyay hindiseyaal la xiriira amniga gudaha, horumarinta dhaqaalaha, diblomaasiyadda, iyo dhismaha dowladnimada.
Duulaanka aan kala joogsiga lahayn ee lagu qaaday AS.
Waxaa mahad iska leh ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed (XDS) dadaalka ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaaga dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, waxaana guulo la taaban karo laga gaaray la dagaalanka kooxahasi.
Deegaano badan oo dalka ka mid ah ayaa laga saaray AS.
Maadaama dawladda Soomaaliya ay si ba’an u wiiqday awoodii AS, isku dayga Itoobiya ee dhulalka Soomaalida waxay halis gelineysaa in ay meesha ka saarto tilaabooyinkaas muhiimka ah.
Tallaabadan gardarada ah, oo ka soo horjeeda xeerarka caalamiga ah, kaliya ma aha mid halis gelinaya horumarka laga gaaray la dagaallanka kooxda AS, balse sidoo kale waxay awood siisaanaysa kooxdasi, taasoo khatar gelinaysa xasilloonida iyo nabadda heer gobol iyo heer caalamiba.
Rabitaanka dhuleed ee Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya:
In la xaqiijiyo guusha doorashada oo halku-dhigiisu ahaa “Soomaaliya heshiis ah caalamka la heshiis ah ” waxa muuqata in guulihii wanaagsanaa ee la gaadhay xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida muuqata heshiiskii la magac baxay is-afgaradka (MoU) ee Somaliland, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa si cad idiiday rabitaanka itoobiya.
Sheegashada dhul-badeedka Itoobiya ee Soomaaliya maaha wax ku cusub.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaali ahaan, waxaanu u malaynaynay in Itoobiya ay ka baxday mawqifkaas, sababo la xidhiidha xidhiidhkii nabadda ahaa ee soo jiray labaatankii sannadood ee u dambeeyay, balse waxa muuqata in aanay waxba iska beddelin.
Taariikhda oo dhan, hamiga Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya waa uu jiray, isagoo ka tarjumaya xaaladda maanta taagan.