Maxay Tahay Sababta Caafimaad ee Taliyahan Loogu Xidhay Magaalada Hargaysa

Magaalada Hargaysa waxaa lagu xiray sarkaal sare oo ka tirsan booliska jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Gaashaanle dhexe Cabdisalaan Caydiid Cumar (Diinqale) looma xirin fal uu gaystay ama inuu ka soo hor jeedo ama wax u dhimay qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland oo ah dambiga ugu badan ee lagu eedeeyo dadka ku xiran xabsiyada.

Cabdisalaan wuxuu dhawaan ka hadlay arrin ay Somaliland sheegtay inuu been yahay, laakinse uu isagu si aan qarsoodi lahayn uga sheekeeyey, kaasoo u muuqda in madaxdu ay dhibsadeen, kuna tilmaameen mid aan sal iyo raad lahayn.

Todobaadkan ayaa waxaa baraha bulshada aad u dhex wareegayey muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya sarkaalka oo ka sheekeynaya arrin uu sheegay in ay “qabsatay dhallinyaro ku shaqaysata tagaasida yaryar ee loo yaqaanno dukhaanka”.