Diyaarad Halis Ah Oo Gacanta U Gashay Kooxda AS Ee Ka Dagaalanta Soomaliya Iyo Cida Iska Lahayd

Kooxda AS ayaa maanta gacanta ku dhigtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo saartay kooxda.

AS ayaa shaaca ka qaaday in diyaaraddan oo ah kuwa yar-yarka ah ay basaaseysay goobaha ay joogaan, balse ay qabteen, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma shaacin kooxdu, sida ay gacanta ugu dhigeen diyaaradda oo ah kuwa qumaatiga u kaca iyo halka ay ku qabteen.

Diyaarada ayaa waxaa soo saartay Textron Systems oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, sida ay muujiyaan sawiro ay baahisay kooxda AS.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddaas ay la yeehiin ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan fuliya duqeymo ka dhan ah Kooxda.

Horay AS ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigay diyaarado milatari iyo kuwa kale oo ku dhacay deegaanadooda, kadib markii ay ku yimadeen cilado sababay inay soo dhacaan.

Shilkii ugu dambeeyay ayaa dhacay bishii January ee sanadkan ka gadaal markii Alay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, taasi oo ay la socdeen shaqaale Soomaali iyo Ajaanib ah, waxaya ku degtay deegaan ay maamusho kooxdaasi.