Masuuliyiin Horleh Oo Ku Biiray Shirwaynaha Ka Socda Magaaladda Muqdisho Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha urur-goballeedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, kaasi oo ay maanta ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaannada labada aqal ee BF.

Kulanka maanta ayaa waxaa lagu lafa-guraaya dood cilmiyeedyo ku saabsan in Soomaaliya ay diyaarsato sharciga ay qeybta kaga noqoneyso xubin fircoon oo shaqeysa urur-gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha ee bariga Afrika.

Sidoo kale, khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb-galaysa ayaa dowladda Soomaaliya ka caawinaya saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, gaar ahaan dhinacyada hawada.

Waxa uu maanta u daaran yahay in ay Soomaaliya ka shaqeyso sidii wada-shaqeyn dhow ula yeelan lahayd dalalka ku bahoobay urur goballeedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo dowladda kasoo saartay shirweynahan maalintii labaad galay.

Urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa xilligaan abuuraya iskaashi weyn oo laga yeesho wax ka qabashada isbeddelka cimilada, oo si weyn u saameeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Shirkan oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa gaba-gabada la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno waxtar u leh Soomaaliya iyo sida ay uga faa’iideysan karto fursaddan muhiimka ah.