Wararkii sheegay inuu geeriyooday ninkii quraaanka gubay oo war Dambe soo laabtay

Salwan Momika oo ah nin hore uga tirsanaan jiray miliishiyooyinkii ka dillaacay Ciraaq, aadna wax uga sheegi jiray diinta Islaamka ayaa la soo sheegay in uu isaga cararay dalkii u magangalyada ku joogay.

Ninkaas ayaa magaciisa wuxuu dunida ku baahay markii uu bishii Juun ee sannadkii hore, intii lagu guda jiray ciidul Adxaa, uu kitaabka quraanka dhulka dhigay, uuna ku istaagay, ka hor intii uusan ku guban meel dibadda ka ah masaajidka ugu weyn magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Salwan Momika oo ay is qabteen miliishiyo kale oo ciraaqiyiin ah ayaa u soo cararay Sweden oo uu magangelyo weydiistay 2018, waxayna dawladda Sweden siisay ruqsadda deganaanshaha ee dalkaas 2021.

Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe).

Todobaadkii hore ayuu u sheegay wargays Sweden ka soo baxa inu magangelyo weydiisanayo Norway isagoo ka cabsi qaba in dib loogu dhoofiyo Ciraaq.

 

“Waxaan ku sii jeedaa Norway” ayuu yiri Momika oo la hadlayey wargayska Sweden ka soo baxa ee Expressen. “Sweden waxa aqbashaa argagixisada oo kaliya, kuwaasoo la siiyo magangelyo iyo ilaalo, halka dadaka faylasuufiyiinta iyo cabqariyiinta ah la eryo” ayuu sii raaaciyey.

waxaa Jiray Warar Kala duwan oo warbaahinta qaar lagu faafiyey oo la sheegayey ninkan maydkiisa laga helay norway warkaas ayaana hada noqday mid aan la xaqiijin waxayna u badan tahay in gacanta ay ku hayso norway ninkan

Salwan Momika ayaa waxaa ku socda baaritaan ay ku wadaan maamulayaasha Sweden, waxaana mid ka mid ah sababta uu Sweden uga tegey uu wargayska Expressen ku tilmaamay inay tahay inuu xuddun u ahaa khilaafkii dhex maray Turkiga iyo Sweden ee keenay in Turkigu uu is hortaago in Sweden ay ku biirto NATO.

Maamulayaasha socdaalka ee Sweden ayaa dib ula laabtay rusaddii deganaanshaha ee Sweden bishii Oktoobar, ayagoo sheegay in uu bixiyey xog khaldan markii uu magangalyada codsanayey, haatanna dib loogu celin doono Ciraaq.

Wararka qaar ayaa sheegayey in Ciraaq ay dalbatay in ninkaas dib loogu soo dhoofiyo, waxayna ku eedeeyeen dambiyo ay ka mid yihiin wax is daba marin.

Inkastoo ay Sweden deganaansho siisay ninkaas 2021, misna hadda wuxuu ku joogay dalka deganaansho ku meel gaar ah oo dhacaysa 16 Abriil sida uu qoray wargayska Expressen.

Ma jirto ilaa hadda hadal rasmi ah oo dhinaca Norway oo la xiriira xaqiijinta codsigiisa magangalyo doonka.