Dhirbaaxada Ku Dhacday Madaxwayne Erdogan Iyo Arimaha Xiisahaleh Ee Doorashada

Doorashada Turkiga ee Qof Walba Ka Yaabisay!

Lama filayn in axsaabta mucaaradku hoggaamin doonaan doorashada golayaasha deegaanka dalka Turkiga, muxaafadkuna ma filayn guuldarada heerkan ah.

48 milyan oo ruux ayaa u dareeray doorashada Turkiga 31-kii bishii Maarso ee ina dhaaftay ee sannadkan 2024, waxanna lagu loolamay 81 gobol oo ay hoos yimaadaan 972 degmo, waxanna ka qayb qaatay 1,053 murashax kuwaasi oo ka kala socday 34 xisbi.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in kal-doorasheedkan ay ka qayb qaateen 78% taasi oo ka hoosaysay marka la barbardhigo doorashadii hore ee madaxwaynaha oo ay ka qaybqaateen 84% dadka u diiwangashan in ay cod dhiibtaan. Hoos u dhaca boqolaydu waxa uu ka yimid dhinaca taageerayaasha xisbiga talada haya ee Xisbiga Horumarka iyo Cadaaladda (Justice Development Party) ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Erdogan oo in badan oo ka mid ahi aanay codayn.

Xisbul xaakimka oo hore u xukumi jiray 39 gobol ayaa lumiyay 16 gobol oo ka mid ah waxana la wareegay xisbiga ugu tunka weyn axsaabta mucaaradka, ee (Republican People’s Party) oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi sida Istaanbuul, Ankara, Izmir iyo Adana.

Waxa xusid mudan in guuldarada muxaafadku ay noqotay libinta mucaaradka, xisbul-xaakimka ayaa guud ahaan codadka ka helay 35% halka markii hore uu haystay 44%, geesta kale Xisbiga ay sida adag mucaaradka ee RPP ayaa si lama-filaan ah u hantay kaalinta 1aad ee codbixinta kaasi oo mar qudha kor uga kacay 30% gaadhayna 37%.

Arrinta soo jiidashada leh ee loo aanaynayo in mucaaradku figta doorashada kaga soo muuqdeen ayaa ah in xisbul-xaakimku lumiyay taageerayaal badan oo uu hore u haystay kuwaasi oo ka fadhiistay kal-doorasheedkan, waxa sidoo kale soo baxaysa in xaalada dhaqaalaha dalka iyo nolosha sii adkaanaysa ay qayb ka tahay hoos u dhaca xamaasada jamaahiirta muxaafadka ee taageera xisbul-xaakimka. Waxyaabaha kale ee la sheegay in ay mucaaridka u fududeeyay in guusha helaan waxa ka mid ah inay la yimaadeen barnaamaj dhaqaale oo soo jiitay taageerayaal badan iyo in ay keeneen WEJIYO cusub ama Musharixiin cusub oo aan hore looga baran.

Khuburada iyo dadka falan-qeeya siyaasada Turkiga ayay dhabanahays ku noqotay sida layaabka leh ee mar qudha wax walba maqluubka iskugu rogay, waxa wali la baadhayaa sida dhibta yar ee mar qudha xisaabtu isku bedeshay inkasta oo dadka qaar sheegayaan in 4-tii sanno ee u danbaysayba hoos u dhaca muxaafadku jiray.

22 sanno oo Erdogan uu taageerayaashiisa guul ugu khudbadaynayay doorkan waxa uu markii koowaad la waddaagay dhirbaaxada guul darada ee doorashadan.

“31 bishii 3aad may ahayn gunnaanadkeenii, xaqiiqadii waxay ahayd mid inna baraarujisay. Waynu baadhi doonaa sababaha keenay hoos u dhaca doorashada golayaasha deegaanka.” ayuu yidhi Erdogan.

Akhriste, maxaad ka faa’iiday?

Falanqeyn: Mustafe Adam