Tallaabe Yaableh oo Durba Laga Qaaday Ninkii Dilay Wariye Cabdikariin Bulxan

Maxkamada Gobalka Galgaduud ayaa Dil Toogasho ah ku Xukuntay Cabdixakiin axmed Cigaal oo ah Qisaastii Alle ha unaxariistee Samafale Wariye Cabdikariin Ahmed Bulxan oo bishaan horaanteedii lagu dilay Caabudwaaq.

Dhawaan Ayay ahayd Markii Wariye Cabdikarin Axmed Bulxan Asagoo Sooman lagu Dhexdilay Meel lagu Xananaeeyo agoonta oo uu Maamule ka ahaa Waxaan dilkiisa Ka Danbeeyey Cabdixakin oo Waardiye ka ahaa Xarunta.

Ciidamada Booliska caabudwaaq ayaana Durbadiiba soo Gaqabtay Gacan ku Dhiiglahaan oo Dhowr Xabadood ku Dhuftay Wariye Samafale Bulxan kaas oo ugu Danbayn u geeriyooday.

Xukunkaan ayaana Waxaa aad ugu Farxay Dadka Reer Galmudug Gaar ahaan Reer Caabudwaaq oo la Dhiban Dilal kusoo laalaabtay Magaladaas Taas oo loo Gaysanaayo Hal Doorka magaalada.