Ruushka oo Wali Ku Wareersan Cida Rasmiga Ah Ee Ka Dambaysay Weerarka

 

Dhammaantood iyaga oo leh calaamado muujinaya dhaawacyo ku yaalla ayay ka soo hor muuqdeen maxkamad ku taala caasimadda ruushka, waa afarta nin ee ku eedaysan in ay gaysteen weerarkii lagu dilay ugu yaraan 139-ka qof ee dhacay Moscow.

Waxay afartuba ku eedaysanyahiin in ay gaysteen fal argagaxisonimo

Jimcihii tagay, ayay rag hubaysan gudaha u galeen masrax ku yaala magaalada Krasnogorsk ee oo dhacda waqooyiga magaalada Moscow, waxayna rasaas ku fureen dadweynihii masraxa daawanayay, ilaa 6,000 qof ayaana kasoo qayb galay bandhig faneed halkaa ka socday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale waxa ay sababeen dab xoogan oo ku fiday goobtaasi, waxa ayna sababtay in saqafka uu soo dumo.

Marka laga soo tago dadka dhintay, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in in ka badan100 qof ay ku dhaawacmeen.

Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ama IS, ayaana sheegatay in ay weerarkaas fulisay, halka mas’uuliyiinta Ruushka ay markii hore sheegeen in sheegashada ururka ay tahay mid “been ah”.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay qiray Isniintii in “Islaamiyiinta xagjirka ah” ay ka dambeeyeen weerarka , laakiin wuxuu soo jeediyay in weerarka uu yahay olole ballaadhan oo ruushka ku aadan oo cabsigelin ah hormuudna ka tahay Ukraine.

Waaxda Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa sheegtay inay afartan nin ku qabteen gobolka Bryansk, oo qiyaastii 400 oo kilomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Moscow, 14 saacadood kaddib markii uu weerarku dhacay.