Ciidamada Dawladda Soomaliya Oo Lagu Soo Qaaday Weerar Halis Ah Oo Qaraxyo Ku Bilawday

Dagaallamayaal katirsan kooxda AS ayaa saakay aroortii hore weerar culus oo ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen deegaanka Daaru-nimca ee katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay AS ayaa weerarka qaraxyada ku bilowday ku qaaday saldhigyo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen deegaanka Daaru-nimca, waxaana qaraxyada kaddib halkaasi ka dhacay weerar toos ah.

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Daaru-nimca oo kamid ahaa deegaannadii horey looga saaray AS, waxaana labada dhinac dagaalka kasoo gaaray khasaarooyin isugu jira dhimadho iyo dhaawac.

Kooxda AS ee weerarka ku qaaday deegaanka Daaru-nimca ayaa guulo ka sheegatay weerarka ay halkaasi ka fuliyeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali dhankeeda ka hadlin weerarka saakay lagu qaaday ciidankooda jooga deegaanka Daaru-nimca, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli maalmo kahor weerar nuucaan oo kale ah oo lagu dilay saraakiil uu ka dhacay Sh/ Hoose.