Nin Xaaskiisi Horre oo Carruur u haysay Khaarajiyay Iyo Waxa Isagii Ku Dhacay Daqiiqado Kadib

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi nin ku dilay xaaskiisi hore oo ay kala tageen una heysay afar carruur ah, kaddib khilaaf la sheegay in labada lamaane hore uu soo kala dhax galay.

Ninka dilka geestay oo ku hubeysnaa qoray AK-47 ayaa tagay guri ay degneed xaaskiisa hore kuna heysay carruurtii uu isaga dhalay, waxa uuna halkaasi ku toogtay ilmihiisa hooyadood oo magaceeda lagu sheegay .

Dilka kaddib ayaa ninka la sheegay in uu isku dayay in uu ka baxsado goobta uu dilka ka geestay, hasa ahaatee ciidano booliis ah oo ka agdhawaa aagga uu dilku ka dhacay ayaa isna toogasho ku dilay ninkii dilay xaaskiisi hore.

Dhacdadan ka dhacday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhalisay murugo iyo hadal heyn badan, waxa ayna dadka aad uga naxeen carruurta mar qura waayay hooyadood iyo aabahood.

Dilalka ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed dhaxdooda ayaa muddooyinkan dambe si weyn ugu soo badanaya gudaha Soomaaliya, waxa ayna dhacdooyinkan noqdeen kuwa argagax badan ka dhax abuuray bulshada Soomaalieed dhaxdooda.