Budhcad Badeedka Haysta Markabka MV Abdullah oo Wajahaya Laba Daran Mid Dooro

Afduubka markabka MV Abdullah, waa kii ugu dambeeyay in ka badan labaatan weerar tan iyo bishii November oo ay geysteen burcad badeedda Soomaalida ka dib toban sano oo ay howlgalladoodu la cirib tiray.

Warar aan si rasmi ah BBC-du u xaqiijin ayaa sheegaya in burcad badeeddu ay dusha sare ee markabka saareen hub culus, laakiin taliyaha Booliska Nugaal oo BBC-du waydiisay waxaa ka jira wararkaasi ayaa sheegay in aysan hadda jiran wax huba oo ay saareen markabka intii ay bilaabeen howlgalka balse muusan cadayn in ka hor ay saareen iyo in kale.

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal wuxuu sidoo kale BBC-da u sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan howlgal kasta oo lagu badbaadinayo markabka iyo shaqaalaha saaran

Wakaaladda wararka ee Reueters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan booliska Puntland ayaa sheegtay in ciidamada ay qabteen gaari siday qaad la doonayey in la gaarsiiyo kooxda ku sugan gudaha Markabka Abdullah.

Muxuu yahay Markabka MV Abdullah?

Markabkan oo ah mid ganacsi waxaa ka dul babbanaya calanka dalka Bangaladesh.

Bishan Maarso 2024, markabku wuxuu ka soo safrayay caasimadda Mozambique, Maputo, wuxuuna ku socday Dekedda Hamriya ee Isutagga Imaaraadka Carabta ka dib inta uusan gacanta u galin burcad baddeeda Soomaalida ah.

Markabka ayaa siday 55,000 oo tan oo dhuxul ah, sida uu sheegay Kabir Steel Re-Rolling Mills, oo ah mulkiilaha markabka.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Bangaladesh oo ka hadlay afduubka markabka ayaa xusay inay saaran yihiin 23 shaqaale ah.

 

Dabayaaqadii sanadkii tagay ayey dib u billowdeen weerarrada kooxaha burcad baddeeda Soomaalida ka dib markii ay rag hubaysan gacanta ku dhigeen doon ganacsi oo u rarnayd ganacsto Soomaalia.

Wixii intaas ka danbeyey waxaa sii xoogaystay weerarada kooxda ay ku qaadayaan maraakiib ganacsi oo gooshaysa biyaha caalamigaa

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa laba jeer oo is xigta howlgal ciidan ku qaaday markab iyo doon ganacsi oo ay gacanta ku hayeen koox burcad baddeed Soomaali ah

Sabtidii, ciidamada badda ee Hindiya ayaa soo furtay markabka MV Ruen, oo muddo saddex bilood ka badan gacanta ugu jiray koox burcad baddeed Soomali ah.

Howlgalkaasi oo ka dhacay meel 1400 NM u jirta xeebta badweynta Hindiya ayaa ciidamada Badda ee Hindiya ay gacanta ku dhigeen ilaa soddon iyo shan nin oo ku dul sugnaa markabka iyagoo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo markabka saarnaa.

Puntland ayaa sheegtay inay xeebaheeda kala dagaalamayso burcad badeeda oo tobanaan sano ka hor ku xooganaa deeganadaasi.

Weerarrada kooxda ayaa meesha ka baxay wixii ka danbeyey sanadki 2017-kii markaas oo ahayd xilligii ugu danbaysay ee weerar ay gaystaan burcad baddeed Soomaali ah.

Cabdirisaaq Maxamed Dirir Ducaysane,agaasimihii hore ee la dagaalanka Burcad baddeeda Putland ayaa BBC-da u sheegay in muhim tahay in lala dagaalamo kaluumaysiga sharci daradaa si looga fogaado soo laabashada burcad baddeedab