Xog: Kiiska taliyihii dilka loo heystay ee booliska Heliwaa oo sii adkaaday iyo tallaabo la qaaday

Waxaa sii adkaanaya kiiska Taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye oo loo heysto dilka wiil ganacsade ahaa, waxaana la xiran oo kiiskaan kula eedeysan ilaaladiisii iyo xubno kale.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xilkii laga qaaday Taliye Cabdifitaax Qoslaaye, isagoo xabsi ku jira muddo seddax toddobaad ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan maxkamadda ciidamada lasoo taago.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Qalinle ayaa loo magacaabay taliyaha booliska degmada Heliwaa, iyadoo xabsiga iu ku jiro taliyihii isaga ka horeeyey Dhamme Cabdifitaax Qoslaaye.

Taliye Qoslaaye, afar askari oo ilaalo u ahaa iyo labo nin oo shacab ah, waxaa loo heystaa dilka ganacsade Abuukar Axmed Kaabax.

Allaha u naxariistee Abuukar Kaabax ayaa goor habeen ah laga afduubtay degmada Heliwaa, isagoo u hoyaadaya xaafadiisa, waxaana isla habeenimo lagu dilay deegaanka Garasbaaley.

Maalintii ayaa meydkiisa laga soo qaaday halkii lagu dilay, sidoo kale goob kale ayaa laga helay gaarigii uu wetay, intaas kadibna waxaa la sameeyey baaritaan, waxaana deg deg loo helay xogta kiiskaas dilka ah oo ragaan 7-da ah loo soo xiray.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in maxkamadda ciidamada lasoo taago raggaan dilkii Abuukar Kaabax loo heysto, waxaana xog ku helay inay soo dhamaadeen baaritaanadii socday.

Abuukar Axmed Kaabax wuxuu ahaa wiil aqoonyahan ah, dalka dibadiisa wax ku soo bartay, kuna qanacsan inuu dalkiisa ka shaqeyso oo joogo.

Wuxuu ka shaqey jiray sarifka lacagaha online-ka ah, ragga dilka kula eedeysan taliyaha iyo askartiisa ayey ninkaas ahaayeen isku shaqo, waxaana la tuhmayaa inay iyagu shirqooleen oo ciidankaan ku dalbadeen.

Dadka reer Muqdisho ayaa aad uga naxay arrintaan, maadaama uu taliye dhan oo degmo ku lugyeeshay dilkii ganacsadaha, sisoo kale qoyska Abuukar ayaa dowladda ka dalbaday, kana sugaya in kiiskaan cadaaladda la marsiiyo.