Sheekada Qareenka Damacsana In Uu Hantida Islaantan La Wareego Markay Dhimato Oo isagii Tani Ku Dhacday Iyo Qorshaha Uu U Degay Ee Bil Walba

Wuxuu Bil walba u qoray Lacag si Marka ay dhimato uu hantideeda u qaato, laakiin isaga ka hor dhintay

MHaweenay udhalatay dalka Faransiiska oo la yiraahdo magaceeda “Jeanne” waxa ay ahayd da’ada 90 jir waxa ay ku noolayd guri ugaar ah oo ay iyadu lahayd oo ku yaala bartamaha magaalada Paris ma ay jirin cid wax tar u ah
ama masruufta. Qareen Faransiis ah ayaa arkay xaaladda ay Jeanne ku suggantahay ee cidlada ah, iyo in aanay helin wax tar ku filan. Qareenkii waxa uu la galay heshiis xun oo uu dan ka lahaa, heshiis ahaa in uu inta nolosheeda ka hadhay isagu bil kasta siiyo 2500 oo franc, bedelkeeduna uu noqdo in ay iyaduna siiso aqalka ay ku jirto kuna qorto magaciisa dhimashadeeda kadib!

islaantii Jeanne way ogolaatay kadib 26 sanno oo uu qareenkii bixinayey 2500 franc bil kasta oo ay lacagtii ugaadhey Jeanne laba jibbaar qiimaha gurigeeda ayuu dhintay qareenkii iyaduna waxa ay udabaal degtey sannad guuradii dhalashadeeda iyada oo jirta 116 sanno!