Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khasaaraha Ka Dhashay Duqayn Maraykanku Ka Gaystay Deegano Kamid Ah Soomaliya

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadeen dagaallamayaal katirsan kooxda AS , kuwaa oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in 10-kii bishan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Ugunji oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Africom ayaa sheegtay in duqeyntan ku timid codsi uga yimid dowladda Soomaaliya , waxa ayna sheegeen in duqeynta lagu dilay saddex xubnood oo katirsanaa AS , waxa ayna xuseen in duqeynta aysan khasaaro kasoo gaarin dad shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxda AS ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay Mareykanka duqeeyeen goobo kala duwan oo AS ku sugnaayeen.