Geesiga Sida Adag Ula Soo Dagaalamay AS Ee Markii Dawladu Ciishay Isku Dhiibay Kooxdi Si Ay Ugawracdo

Ninkan oo Magaciisu yahay Abuukar Macalin Ibraahim oo kamid ahaa ciidamada macawislayda ee dagaalka kula jira AS ayaa Ciil darteed iskugu dhiibay AS Kadib Markii Dawladdu ay ka goosatay Saadkii iyo Rasaasti uu ku dagaalamayay.

Wuxuu ahaa geesigii si adag uga qayb qaatay dagaalka sida ay sheegen dadkii yaqaanay.

Markii laga goostay saadkii ciidanka, gaar ahaan cuntada dry food-ka loo yaqaanno kana kooban timirta, kalluunka, buskudka iyo cuntooyinka oo xilligii Odawaa ciidanka aad laga haqab tiray sidoo kalana uu waayay rasaas uu ku dagaalamo, laga jartay gunnadii, la diiday in goobaha cadowga la weeraro, xataa in kabo ciidan loo helo oo uu qoraxda iyo qodxaha ka xidho.

Ciil iyo caro darteed Abuukar inta lugeeyay ayuu ka dalbaday in ay bireeyaan kooxdii uu dagaalka kula jiray.

Qisada Abuukar Macalin Ibraahim waa mid lala ilmeeyo dalka ayayna quus kaa galineeysaa.

Wali waxaa uu ku jira gacanta Kooxdii uu dagaalka kula jiray.

Waxaa Qoray Cali Yare Cali