Farmaajo Oo Qaaday Tallaabo Uu Ku Dhaliili Jiray Madaxdii Isaga Ka Horreysay Iyo Tallaabada Uu Qaaday Isago Aanan Madaxwayne Ahayn

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddooyinkan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa booqasho aan la shaacin ku tagay xarunta Xalane oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha reer Galbeedka ee kuyaalla Muqdisho.

Farmaajo ayaa si gaar ah u tagay xarunta safaaradda dowladda Mareykanka ku leedahay Xalane, waxa uuna halkaasi kula kulmay Sii-hayaha safiirka Mareykanka, waxa uuna kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Sida aan wararka ku helnay Farmaajo iyo sii-hayaha Safiirka Mareykanka ayaa kawada hadlay xaalada siyaasaxdeed ee dalka ka taagan , gaar ahaan khikaaf ka taagan wax ka bedelka Dastuurka KMG ee dalka u yaallay oo Farmaajo iyo kooxdiisa diidan yihiin.

Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay in Mareykanka uga dacwoosay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh uu ku eedeeyay in ay dhagaha ka fureesatay baaqyada siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulada qaar ee ku aadan wax ka bedelka Dastuurka..

Madaxweyne hore Farmaajo ayaana tallaabadan uu hadda qaaday aad ugu dhaliili jiray madaxdii isaga ka horreysay , waxaana hadda muuqata in uu qaadayo waddo uu horey ugu muuqatay in ay xun tahay.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaana caado ka dhigta in ay la kulmaan diblumaasiyiinta reer Galbeedka marka ay xilalka banneeyaan, waxaana taasi dhibsada madaxda xilligaasi kuraasta fadhisa oo ku dhaliila siyaasiyiintaasi kuwa aan waddani aheyn.