Gabdho Soomaliyeed oo U Dhintay Kaniini Halis Ah Oo Lagu iibiyo Suuqyada Xamar Iyo Waxa uu Yahay

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in dhalinyarada magaaladdasi qaarkood uu faro baas ku hayo kaniini halis galiyay nolosha dhalinyarada qaar ee magaaladdasi.

Dhalinyarada ayaa isticmaashay Kaniini la sheegay in ay u dhinteen dhalinyaro kamid ah dhalinyarada isticmaasha.

Laba gabdhood ayaa u dhintay kaniinigasi sida wararku ay sheegayan.

Kaniinigan wuxuu ka mid yahay kuwa ugu halista badan waxana u dhintay laba Gabdhood isbuucan kuwaas oo dagnaa Dagmada Waberi ee gobolka Banaadir.

Waxaa lagu iibiya Goobaha isku raranka iyo Tabakaayoyinka yar yar lagaama gadi karo Ilaa laga aqqoonsado wajigada in aa tahay ciyaalka xaafada ee lagu yaqaano in ay isticmaalaan.

Waxaa laga siiya dadka isticmaalo 3$ ciyaalka xaafada si ay u iibsadaan waxay isku dar darsadaan 10KShilan Soomaali ah .