Nin Dumaashidii Ku Ololiyay Magaaladda Muqdisho Iyo Booliska Oo War Ka Soo Saaray

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in magaaladdasi lagu qabtay nin gubay dumaashidii.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaliya oo goor dhawayd fah faahin ka bixiyay falalkii ka dhacay magaaladasi ayaa sheegay in ay Degmadda Yaaqshid ka soo qabteen nin gubay dumaashidii.

Warkan ayaa ku soo aadaya xili magaaladdasi ay ka dhaceen falal foolxun oo ku aadan dilal qorshaysan iyo falal kale oo usbuucyadii ugu dambaysay loo gaysanayay dadka magaaladdasi ku nool.

Sidoo kale dhacdadan ayaa ku soo aadaysa xili Muqdisho ay shalay ka bilaabantay maxkamadaynta Sayid Cali oo loo haysto in uu dab qabad siiyay Xaaskiisi oo Xaamilo ahayd isla markaana ay u geeriyootay dhaawaci ka soo gaadhay dabkaasi.

Muqdisho waxaa maanta sidoo kale la helay maydka nin ganacsade ahaa oo xalay laga afduubtay qayb kamid ah magaaladdasi.

Xildhibaan Horre oo ka tirsana Baarlamanka Soomaliya ayaa isna maanta maydkiisa laga helay Gurigii uu degana,waxaana kiiskasi u xiran qof sida ay sheegen Boolisku.