Dawladda Itoobiya Oo Markale Ka Hadashay Wixii Lagu Sameeyay Xasan Shiikh

Dawladda Itoobiya ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadalkii dhinaca Soomaaliya ee ku wajahnaa in laysku dayay in Madaxweynaha JFS laga hor istaago ka qeybgalka shirka Midowga Afrika, loona diido in uu ka baxo hotelkii uu daganaa ee magaalada Addis Ababa, ilaa uu ku yimi gaadiidka Madaxweynaha Jabuuti.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibada iyo madaxa warfaafinta xaafiiska RW Itoobiya oo wariyayaasha la hadlay ayaa sheegay in aysan waxba kajirin in ay wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya is hor istaageen, waxay tilmaameen in madaxda Soomaaliya isku dayeen in ay hub lagalaan xarunta Midowga Afrika, taasna aysan sharci aheyn oo aysan jirin cid lagashay gabi ahaanba.