Muxuu madaxweyne Xasan ka shaaciyey kulankii xalay lagu qabtay Muqdisho?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusay madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya AUN Aadan Cadde ayaa si qota-dheer uga hadlay taariikhda wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed ay uga tageen Aadan Cabdulle Cismaan iyo Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Maktabad Qaran loo dhisayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho, maantana lagu aasay.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulanka joogay ayuu Xasan Sheekh faray inuu keeno dhulkii laga dhisi lahaa Maktabadda Jawaari, isagoo fasiraad ka bixiyey, sida ay muhiim u tahay in qofka magaciisa meel lagu xuso, si uusan u lumin.

“Qofkii garoonka Aadan Cadde ka soo dega wuxuu dhahaa magacaan muxuu ahaa? Si lamid ah qofkii Buug ka iibsaday Maktabadda Jawaari waa inuu dhahaa magacaan muxuu ahaa, si loo baro halyeygaas abaalka gashaday umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran, waa uu joogaa caawa, waxaana farayaa inuu dhulkii keeno, waa dhiseynaa, hadii guri dhisan la helana kaba sii fiican.”

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay taariikhdii Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cadde, isagoo ku sifeeyey halyey tusaale wanaagsan u ahaa Soomaalida iyo guud ahaan umadaha Afrika.

“Aadan Cabdulle wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee doorasho ku yimid, doorashana xafiiska uga tegay, 1960-kii wuxuu ahaa sanadkii Afrika, Aadan Cadde wuxuu ahaa madaxdii taariikhda dhigtay, wax badan ayey nooga tageen Aabayaasheen oo Aadan Cadde ugu horeeyo, wax waa naga lumeen waxna weli waan heysanaa, diinta, dhaqanka, afka, taariikhda iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaan weli heysanaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday oo ku dhowaad 30 daqiiqo ka hadlaayey wanaagii ay dalkaan ku lahaayeen Aadan Cadde iyo Jawaari, munaasabadaan ayaa ka dhacday Hotel Jazeera, Xasan Sheekh oo la filaayey in arrimo kale uu ka hadlo ayaan dhinacna uga bixin mowduucaan.